Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo bandhigay tirada daka codeynayo doorashooyinka soo socda

Warbixinta ay guddigu kusoo bandhigeen tirada shacabka codobixinaya ay ka imaanayaan Gobollad, iyadoo Gobol kasta degmooyinkiisa loo sameeyay dadkii iska diiwaan-geliyay, isla mrkaana la sheegayo wadarta gobol kasta ka codeyneysa.

Sidoo kale, Guddigu waxy sheegeen in tirada rasmiga ah ee isku diiwaan-gelisay Doorashada Madaxtinimada Somaliland ay gaarayaan 704,089-qof kuwaasoo ka qayb-geli doona Doorashada dhacaysa.

Dhanka kale, Doorashada Madaxnimada Somaliland, waxay dhaceysaa 13-ka November-ta soo socota, waxaana ku tartamaya Musharraxiinta kala ah; Muuse Biixi, C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, kuwaasoo kala metelaya Xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID.

Ugu dambeyn, Ololaha Doorashooyinka oo aad u kulul ayaa xilligan ka socda Magaalooyinka Somaliland, kuwaasoo ay wadaan musharraxiinta saddexda xisbi ee doorashada ku loolami doona.

Akhriso shaxda tirada dadka codeynaya.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh