Sawirro: Taliyaha CXDS oo maanta gaaray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Axmed Jimcaale Geedi “Cirfiid” iyo Madaxda Hogaanada Saadka  iyo wardoonka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo uu kamid yahay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka  janeraal Cabduulaahi Cali Canood.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu ka dhanka ah Xarakada  Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Sidoo kale,Generaal Cirfiid oo  la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran ah oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka  Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh