Sawirro: Waare iyo Gaas oo lagusoo dhoweeyay Kismaayo

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeele iyo Puntland Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiyo ay kala hogaaminayaan ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa waxa ay diyaarad ka qaateen magaalada Muqdisho halka madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socday ay kasoo amba baxeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa soo dhoweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kan Koonfur galbeed Shariif Xasan iyo masuuliyiin kale.

Magaalada Kismaayo waxaa horay ugu sugnaa madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur galbeed iyo kan martida loo yahay ee Axmed Madoobe ayada oo lagu wado inuu halkaas ka furmo shir ay yeelanayaan maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh