Sawirro: Ilaa 100 qof oo ka faa’idaysatay mashruuc indho fiiq ah oo uu madaxweyne Farmaajo ka bixiyay mushaarkiisa

Ilaa 100 qof oo danyar ah oo kunool magaalada Muqdisho ayaa ka faa’idaystay  mashruucani indho fiiqista ah oo uu maalgeliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana bixiyay mushaarkiisa.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Soomaaliay C/qaadir Macallin Nuur oo dadkaasi ku booqday Isbitaalka Yerdimeli oo ay gacanta ku hayaan walaalaha Turkiga oo ku yaala degmada Xamar Jajab ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha indho fiiqista ah oo uu madaxweynaha maalgaliyay.

“Sida aad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya wuxuu ku yimid rabitaanka shacabka,iyo in uu balanqaaday in uu wax u qabto, sida aad la socotaan waxaa socda maalmahan barnaamijyo isdaba joog ah oo bulshada lagu horumarinayo ,waxaa kamid ah tan oo jeebkiisa uu ka bixiyay lacagtan lagu daaweynayo dadkani oo aragga la’aa in muddo ah, balanqaadyadii uu sameeyey ayuu fuliyay,waxaan leenahay ajir allaha kaa siiyo, ummadda Soomaaliyeedna sidaasi ha isugu gargaarto”,Ayuu yiri Mudane C/qaadir Macalin Nuur.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’idaystay mashruucani ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay, iyagoo sheegay in ay u tahay fursad ay heleen maadaama aysan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha indhaha loogu fiiqay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday in uu garab istaagi doono bulshada,iyadoo tani ay qeyb ka tahay fulinta balanqaadyadii uu madaxweynuhu  u sameeyey shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh