Sawirro: Raisalwasaaraha XFS oo la kulmay gudiga taakuleynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga timaada inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh