Sawirro: Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleysatay doorashadii ka socotay Jowhar noqdayna madaxweynaha Hirshabeele

Waxaa goor dhowayd lagu kala baxay doorashadii ka socotay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele taasoo wareegeedii sadexaad ay iskugusoo hareen musharixiinta kala ah Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Cabdi Waare.

Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleysatay doorashada ayaa helay 74 cod halka musharixii la tartamayay ee Daahir Cabdulle Cawaalena uu helay 23 cod.

Amaanka doorashada ayaa waxaa si weyn u adkeynayay ciidamada amaanka dowlada federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedka Hirshabeele iyo ciidamada AMISOM ayada oo ay doorashada goob joog ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka socday dowlada federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha Juxaa iyo wasiirka amniga gudaha.

Sidoo kale wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa kasoo qaybgalay doorashada ka dhacday magaalada Jowhar ayada oo isla goobta lagu dhaariyay madaxweynaha cusub Maxamed Cabdi Waare.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh