BAYDHABO MAXAY RABTAA? DR. AWEYS ABDI JIDLE

Baydhabo badbaadey rabtaa. Biyo nadiif ah bay rabtaa. Bilicdeeda la dhowreey rabtaa.

Buundada qashinka laga xaaqeey rabtaa. Booli cune laga qabtey rabtaa. Baxnaaney rabtaa.

Bisinka iyo Burdaha loo qabteey rabtaa. Baryada Allah loo badiyeey rabtaa. Dhallinyaro baratanteey rabtaa.

Bulsho isku duubaney rabtaa. Beled iyo Baadiyo la isku xireey rabtaa. Dhalaankeeda wax la bareey rabtaa.

Bare cilmiga bayaaniyey rabtaa. Warbaahiye u hiiliyey rabtaa. Baarlamaan u doodey rabtaa.

Bilis Xaawaleey boogteeda dhayeey rabtaa. Ethiopian laga dulqaadey rabtaa. Madax beledka dhex socon kartee rabtaa.

Barbaariye Agoonteey rabtaa. Beeraheeda la abuurtey rabtaa. Badarkeeda oo loo beec geeyey rabtaa.

Beec mushtar xalaal ah bay rabtaa. Boolis ammaanka sugey rabtaa. Baabuurta oo isu gooshteey rabtaa.

Banaan-jooge soo hiigsadeey rabtaa. Balad-jooge soo dhaweeyee rabtaa. Boosto bulug beereey lagu ciyaareey rabtaa.

Bardaale Bullo lagu ciyaareey rabtaa. Buulo Jameeco boorka laga jafee rabtaa. Barbaar banooniga ciyaarteey rabtaa.

Basketball garoon lagu ciyaarey rabtaa. Baayazaani Primo ka dhigey rabtaa

(Dr Aweys Abdi Omar 15.09.2017)

One Response

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh