Sheekh Mukhtaar Roobow oo soo gaaray magaalada Xudur wadahadalna kula jiro dowlada Soomaaliya iyo maamulka Koonfur galbeed

Wadaadka gooni u goosadka ah ee horayna uga tirsanaan jiray saraakiisha sare ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sheekh Mukhtaar oo maalmahaanba dagaal kula jiray dagaalyahanada Alshabaab oo soo weeraray saldhigiisa, ayaa waxaa gurmad ciidan iyo saanad hub ah gaarsiiyay maamulka Koonfur galbeed isaga oo laba jeer oo ay Alshabaab soo weerartay iska difaacay.

Magaalada Xudur waxaa ku sugan wasiiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi, wasiiro iyo saraakiil ka socda maamulka Koonfur galbeed, saraakiisha qaybta 60aad ee ciidamada dowlada federaalka iyo maamulka gobolka Bakool ayaga oo shir albaabada u xiranyahay kula jiro Sheekh Mukhtaar Roobow oo keligiis soo gaaray magaalada Xudur halka ciidamadiisuna ay weli difaacyadooda ku jiraan.

Lagamasii hordhici karo waxa kasoo bixi doono shirka ka socda Xudur balse tani waxa ay iskusoo dhoweynaysaa wadaadka mudadaba goonida uga taagnaa Alshabaab iyo dowlada Soomaaliya.

Alshabaab ayaa u muuqato inaysan ka gun gaarin weeraradii xooganaa ee ay ku qaaday ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow deegaanada ku dhow deegaanka Abal oo magaalada Xudur u jira wax aan ka badnayn 30 klm.

Horay ayay ciidamada Alshabaab oo ka amar qaadanayay amiirkoodii geeriyooday ee Axmed Cabdi Godane u dileen saraakiil sare oo ka tirsanaa Alshabaab balse fikir ahaan ay is qabteen.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh