Sawirro: Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii labaad ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya oo musharaxa ay ku loolamayeen doorashadaasi uu ahaa Raila Odinga, hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka.

Gudigga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya IEBC ayaa ku dhawaaqay inuu madaxweyne Kenyatta helay 8,203,290  milyan oo cod taasoo u dhiganto 54.27%  boqolkiiba halka musharaxa ugu dhowaana uu ahaa Raila Odinga kaasoo helay 6,762,224  cod oo u dhiganto 44.74%.

Gudigga doorashada ayaa goobta uu ku shaacinayay natiijada kula gudoonsiiyay shahaadadooda madaxweyne Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto halka Raila Odinga uusan ka muuqan meessha isaga oo aanan weli qiran in lagaga adkaaday doorashada.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo qudbad gaaban ka jeediyay xarunta Bomas of Kenya oo ah goob dalxiis oo ay ku yaaliin guryo metalaya khabiilada ku dhaqan Kenya qaarkood iyo goobo kale.

Natiijada dooraashada ayaa maalmahaanba la sugaayay balse waxaa horayba shaki usii geliyay madaxda isbaheysiga NASA ee mucaaradka kuwaasoo sheegay in la jabsaday habka doorashada Kenya waxna laga bedelay natiijada oo ay ayaga ku guuleysteen.

President-elect Uhuru Kenyatta displays the certificate from Independent Electoral and Boundaries Commission (IEBC) declaring him the winner of the country’s presidential election in Nairobi March 9, 2013. Kenyatta, indicted for crimes against humanity, was declared winner of Kenya’s presidential election on Saturday with a tiny margin, just enough to avoid a run-off after a race that has divided the nation along tribal lines. REUTERS/Noor Khamis (KENYA – Tags: POLITICS ELECTIONS)

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh