Madaxweyne Farmaajo oo amray dilkii sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya,  Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa caalamka kaasoo ka dhacay deegaanka ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir  halkaas oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda  Al-Shabaab.

Sarkaalkaan oo u qaabilsanaa Xarakada Alshabaab gobolka Banaadir ayaa ahaa sarkaalkii ugu xilka sareeyay ee dhowaaanahaan Alshabaab lagaga dilo weerarada ka dhanka ah kooxda waxaana la oran jiray Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal)

War saxaafadeed kasoo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah”

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh