Rabshado ka bilowday dalka Kenya kadib markii uu Raila Odinga sheegay in la jabsaday nidaamka doorashada

Kadib markii ay soo baxday inuu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku horeeyo tirinta codadka doorashadii ka dhacday dalka Kenya, ayaa waxa ay durba diidmo kasoo yeertay hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga kaasoo sheegay in la jabsaday bogga guddiga doorashada Kenya ee IEBC islamarkaasna wax weyn laga bedelay natiijada codadka la tiriyay ilaa iyo hada kuwaasoo gaaraya 90% kiiba isaga oo sheegay in wax lays daba mariyay sidaas darteedna uu isaga ku horeeyo doorashada.

Kadib markii uu hadalkaan kasoo yeeray Raila Odinga ayaa waxaa durba bilowday dibadbaxyo rabshado wato oo ay dhigayaan taageerayaashiisa gaar ahaan magaalada uu ku xooganyahay ee Kisuma iyo weliba meelo kale oo ay caasimada Nairobi ku jirto.

Ciidamada booliska ayaa waxa ay adeegsadeen sunta indhaha ka ilmeysiisa iyo rasaas nool si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha waxaana inta la ogyahay geeriyooday hal qof.

Raila Odinga waxa uu sheegay inuu Uhuru Kenyatta guuldareystay sidaas darteedna ay tahay inuu ka dego xilka.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh