Maxaa dhacay intii ay doorashadu ka socotay maanta Kenya, tirinta codadka doorashadii maan oo bilaabatay

Ayada oo ay 5:00 galabnimo ee xiliga bariga Afrika soo xirmeen goobaha cod bixinta doorashooyinka dalka Kenya, ayaa waxaa goor dhow goobaha qaar ka bilowday tirinta codadka doorashada.

Doorashada maanta ka qabsoontay dalka Kenya oo qaybo kala duwan leh ayaa waxaa ugu muhiimsan mida madaxweynanimada oo ay isku hayaan madaxweynaha hada talada haya ee Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ah rug-cadaa siyaasadeed oo doorashooyinkii 2007dii ka qaybgalay balse ku guuldareystay.

Sidoo kale doorashada maanta ayaa waxaa qayb ka ah xildhibaanada, senetarada iyo gudoomiyayaasha gobolada oo sidoo kale u kala safan xisbiyada isku haya doorashadaan oo ay isku diiwaangeliyeen 19 milyan oo qof iyo wax ka badan ayada oo goobaha qaar lagasoo sheegayo wax isdaba marin.

Waxyaabaha dhacay maanta intii ay doorashada socdeen waxaa ka mid ah haweenay dhashay intii ay safka ugu jirtay inay codkeeda dhiibato iyo laba qof oo neef qabatimay geeriyoodayna.

Inta laga war hayo ma aysan jirin wax is dabamarin weyn inkastoo meelaha qaar lagasoo sheegayo inay jiraan codad la kala iibsaday oo dadkii is diiwaangeliyay ay codadkooda iibsadeen.

Doorashada Kenya ayaa si weyn looga cabsi qabaa inay sababto xasilooni daro la mid ah tii sanadkii 2007dii ay ku geeriyoodeen kunka qof sidoo kalena boqolaal kun oo ruux ka barakaceen deegaanadooda.

Taageerayaasha Raila Odinga ayaa sheegay iin haddii nabad la doonayo ay tahay inuu isaga ku guuleysto doorashada hadii kalena ay dowlad u gaar ah soo dhisayaan haddii laga guuleysto.

 

Baidoa Media Centre

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh