DHAGEYSO+WARBIXIN: Abaartii Daba Dheeratay ee ka Dhacday Guud Ahaan Dalka Soomaaliya iyo waxyeeladeedii

Faadumo Ibraahim Cabdalla waa 65 Sano Jir wadata Lix Carruur  ah Waxaa Ay Ka Mid Tahay Dadkii Dhawaan Soo Gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Iyada Iyo Carruurteeda Waxaa Ay Ku Nool Yihiin Kaam Ka mid Ah Kaamamka Ku Yaala Duleedka Baydhabo.

Maamo Faadumo Ibraahim Iyada Iyo Lixdeeda Carruurta ah si dhibaato ah Ayay Ku Yimaadeen magaalada Baydhabo Waxaana Ay Ka Soo barakaceen deegaan ka tirsan degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Faadumo Ibraahim Cabdalla Oo U warmeysay Baidoamedia.com Waxaa Ay Ka Sheekeysay Kadib Imaanshaheedii magaalada Baydhabo Iyo nolosha ay ku heystaan  iyada iyo carruurteeda.

”Waxaan ahaa Qof u xamaasha Carruurteeda Oo Lix Ah Xoolo Malaheen Si Aan U helo Wax Aan Ku nolaano Aniga Iyo Carruurteyda Waxaan Ka Shaqeysan Jirey Maqaaxid Ku Taashey Degmada Qansax dheere Mudo Kadib Abaartii Ayaa na saameysay Waxaa Igu adkaatey Ka warqabka Guriga Iyo Raadinta Waxa Aan quudan Laheyn Aniga Iyo Carruurta guriga joogtay ee i suugeysay” ayay tiri maama Faadumo oo la hadlayssay warbaahinta Baidoamedia.com

 

W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera) Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh