Dhageyso:Kooxda Al Shabaab Oo Rashiin Ku gubtey Inta U Dhaxeysa Baydhabo Iyo Waajid

Wararka ka imaanaya gobolka Bokool ayaa sheegaya in Koox ka tirsan Alshabaab ay gubeen badeeco u rarneyd ganacsato Kunool  degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Badeecadan ganacsi oo ay Gubeen kooxda Shabaab ayaa laga keenay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaana loo wadey deegaanada gobolka Bokool.

Rashiinkaan Ayaa Waxaa Lagu Gubey deegaanka Doon-Fuul oo qayaas ahaantii 25 ilaa 30 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bokool.

Gudoomiye Kuxigeenka Cusub Degmada waajid Aadan Guud Oo La hadlaayay Baidoamedia.com ayaa uga Warbixiyey Xaalada Degmada waajid Iyo Raashiinka La gubey.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Dadka Ku Nool Degmada Waajid Sida Ay yihiin Maadaama Degmada Waajid Dad Badan Ay Kusoo Barakaceen Abaartiina Ay Saameysay go’doona ay Ku Jirto.

Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Ayaa In Mudo Ah Waxaa Go’doomiyey Kooxda AlShabaab Wadooyinka Degmada Ma jiraan Wax Gaari Ah Oo Galo Ama Kasoo Baxa Taasina Waxaa Ay Saameyn Ku Noqotey Dadka Kunool Degmadaasi.

W/Q/wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)

 

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh