Adeegii internetka Fibre optic-a oo dib ugusoo noqday gobolada Koonfureed ee Soomaaliya

Waxaa goor dhow dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka Fibre Optic kaas oo mudo ku dhow hal bil ka maqnaa magaalooyinka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ka dib mudo 22 cisho ah oo adeegaan uu maqnaa ayaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya waxay hadda shaacisay in Internet-ka lagu guuleystay in dib loo soo celiyo ka dib markii la xaliyay ciladii jirtay.
Mudada uu go’naa Internet-ka ayaa wuxuu saamayn badan ku yeeshay adeegyada Bulshada sida Xawaladaha iyo adeegyada kale ee Waxbarashada.

Markab laga leeyahay Wadanka Masar ayaa la sheegay inuu jaray Cable-ka Internet-ka ee dhex mara Badda.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh