Dhegayso shaqaale u shaqaynayay hay’ada Gredo oo lagu afduubtay gobolka Bay

Maleeshiyood loo maleynayo inay ka tirsanyihiin ururka Alshabaab ayaa waxa ay afduubteen shaqaale ka tirsanaa hay’ada Gredo oo ka howlgasho gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sida uu sheegay wariyaha idaacada VOAda laanteeda afka Soomaaliga Muqtaar Maxamed Catoos oo ku sugan magaalada Baydhaba, shaqaalahaan oo ay tiradoodu gaarayso 7 kalana ahaa 4 dumar ah iyo 3 rag ah inay kusoo jeedeen magaalada Baydhaba kana yimaadeen magaalada Buurhakaba xiliga la afduubanayay ayaga oo saarnaa gaari Noha ah.

Shaqaalahaan la afduubtay ayaa lala aaday dhanka deegaanka Dalandoole oo ay Alshabaab ku xoogantahay. Masuuliyiinta hay’ada Gredo ayaanan weli ka hadlin shaqaalahooda la afduubtay.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh