Adeegii internetka ee gobolada Koonfureed Soomaaliya oo lagu wado inuu dib usoo laabto saacadaha soo socda

Sida ay sheegtay wasaarada boostada iyo isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya waxaa meel gabo gabo ah marayo cilad bixinta adeegii internetka ee gobolada koonfurta Soomaaliya oo mudo bil ku dhow hawada ka maqnaa.

Wasiirka Wasaarada Boostada iyo is gaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in saacadaha soo socdo si buuxdo dib loogu heli doono adeegii internetka.

Maqnaashaha adeega internetka ayaa waxa uu sababay qasaaro xoogan oo dhanka dhaqaalaha ah ayada oo uu sidoo kalena saameyn xoogan ku yeeshay adeegyada shirkadaha ganacsiga, shakhsiyaadka caadiga ah iyo howl maalmeedka.

Cilada internetka ayaa timid kadib markii uu markab jiiray fiilada fibre obtika ee badda hoosteeda Soomaaliya usoo marsiiso internetka. Dowlada Soomaaliya waxa ay dhowaan sheegtay inay wixii hada ka dambeeya ka gaashaaman doonaan ciladaha noocaan ah.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh