Madaxweynaha Soomaaliya oo tacsi u diray Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Madaxda iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga isagoo uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabdulcasiis oo ka tirsanaa Qoyska reer Boqor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.

Xiriirka ka dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa ku yimid mad madow kadib markii ay dowlada Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar oo ay cunaqabateyn kusoo rogeen afar dal oo Carab ah xiriirkana ay u jareen tiro dalal Afrikaan u badan.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh