Alshabaab oo sheegatay dilka taliyihii militariga DFS ee degmada Qansaxdheere

Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada geerida taliyihii ciidamada militariga Soomaaliya ee degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay Col. Cumar Macalin Xasan Cabdulle.

Taliyaha ayaa waxaa wadada dhinaceeda loo dhigay miino la qaraxday gaarigii uu saarnaa ayada oo uu xigay weerar ay dagaalyahanada Xarakada Alshabaab ku qaadeen ciidamadii la socday taliyaha la dilay.

Kolonyada taliyaha uu la socday ayaa kusii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Qansaxdheere oo ku yaala duleedka magaalada ayada oo lagu waday inay halkaas kasoo degto diyaarad siday sahay ciidan.

Xarakada Alshabaab ayaa waxa ay mudooyinkii ugu dambeeyayba hareerayn ku haysay degmada Qansaxdheere iyo iyo inta badan degmooyinkii horay looga saaray ee gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Geerida taliyaha ayaa dhabarjab ku noqonaysa ciidamada dowlada ee gobolka Bay.

 

Baidoa Mediaa Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh