Dib u edjin loo sameynayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Deriska

Qaramada Midoobay qeybta Qaxootiga iyo laanta socdaalka ee IGAD ayaa maalmahan dambe ku guda jira dadaal lagu xoojinayo daryeelka iyo dib u dejinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee  ku sugan dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in la fududeeyo isu socodka xorta ah, si dadka Soomaaliyeed ay si sharci ah ugu gudbi karaan dalalka IGAD iyo caalamka intiisa kale.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaalida Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in xitaa ay hiigsanayaan dadka Soomaalida ah ee u safraya Mareykanka iyo wadamada kale ee caalamka.

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool qaar ka tirsan wadamada deriska, kuwaasi oo aanan heysan daryeel ku filan, balse Hay’adaha gar gaarka ayaa wada dadaalo dadkaasi wax loogu qabanayo.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh