Norway oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga sida uu sheegay agaasimaha hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliyeed

Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadam  Koofi, ayaa sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan diblomaasiga, isagoo xusay in dabayaaqada sanadkan Norway ay Soomaaliya u soo diri doonto khubaro eegaya qaabka loo bixiyo baasaboorka Soomaaliga.

“Baasaboorkeena waa baasaboor electronic ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay cida mas’uul ka tahay ayaan u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi.

Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ka codsaday madaxda dowladda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee haysta baasaboorada ajnabiga ah in ay qaataan baasaboorka Soomaliga marka ay dalka ka dhoofayaan oo ay ka qeybgalayaan shirarka caalamiga ah.

“Si baasaboorka micino iyo qiimo u yeesho in qofka Soomaaliga ah ee madaxda ah in uu baasaboorka Soomaaliga ah uu qaato marka uu shaqada dowladda uu hayo,” ayuu mar kale sheegay Koofi.

Agaasimaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu safaro ku tagay qaar ka mid ah dalalka  qaaradda Yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaliga.

 

Baidoaa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh