Madaxweyne Farmaajo oo Alshabaab ugu baaqay wadahadal

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu mar kale ugu baaqay Xarakada Alshabaab inay wadahadal la galaan dowladiisa.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka dib u heshiisiinta ee shalay lagusoo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa Alshabaab ugu baaqay inaysan dadka dilin hantidoodana bur burin ee ay wadahadal la galaan dowlada.

Isaga oo ka hadlayay arintaas ayaa waxa uu yiri, “Waxaan u direynaa dib u heshiisiin oo aan ka hadleynay maalmahaan la soo dhaafay oo idil waa qolada dorraad carruurta nooga laayay maqaayad lagu afurayey oo aan u aabo yeelin dumar, duqey, carruur iyo cirroole oo aan u dirnay cafis oo aan ku dhahnay kaalaya waan wada hadleynaa hubka dhiga , haddii aad la dagaaleysaa dowlad, dowladdaan shacabkaa keenay ee aan wada hadalno, dadkaan haleynina hantidaanna ha burburinna, welina waan ku taagannahay, Ilaahay waxaan ka baryeynaa qoladaasi inuu soo celiyo oo caqligooda ku shaqeeyaan oo ay ka haraan qolada la shaqeysa ee ajanabiga ah”

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanay u baahnayn colaad joogto ah ee ay u baahanyihiin nabad iyo barwaaqo isaga oo Alshabaab ugu baaqay inay miiska wadahadalka soo fariistaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee AAlshahbaab loogu baaqay wadahadal ayada oo ay dowladihii hhore dhowr jeer ugu baaqeen ururkaas inay wadahadal la galaan dowlada balse Alshabaab ayaa dhowr jeer sheegtay inaysan diyaar u ahayn inay la hadasho dowlada oo ay sheegto inay yihiin murtidiin gaalo raac ah.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh