Dagaal ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamada DFS gobolka Bakool

Dagaalyahano ka tirsan Xarakadaa Alshabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Ceel-lahelay oo 20km dhanka galbeed kaga beegan xarunta gobolka Bakool ee Xudur.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay dagaalyahanada Alshabaab weerar kusoo qaadeen fariisinka ciidamada dowlada ee deegaanka Ceel-lahelay ayada oo uu dagaal mudo socday kadib ku dhinteen ilaa 5 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay halka 12 kalena ku dhaawacmeen.

Dadka ku nool deegaanka Ceel-lahelay iyo deegaanada u dhow dhow ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiicda ay is weydaarsanayeen dhinacyadii dagaalamayay.

Alshabaab ayaa inta badan sare u qaado weeraradeeda ka dhanka ah ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo weliba kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh