Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in ictiraafka Somaliland raadinayso uu fadhigooda ugu imanayo haday wada heshiiyaan

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlayay heshiiska 5 qodob ah ee ay kala ssaxiixdeen maamulkiisa iyo maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay tahay bilow fiican.

Cali Khaliif oo arintaas ka hadlayay ayaa yiri, “Bilow fiican baa mareynaa wada hadalada muddo ayay soo socdeen, arrimo siyaasi la isku hayaa, xal siyaasi baa loo baahan yahay, ku dhiirashaa loo baahan yahay, arrintan arrin culus weeye, umad dhan aayaheeda, mustaqbalkeeda iyo taariikhdeeda waa tahay in laga doodo, anaga diyaar baa u nahay, caqli iyo ximgad ayaa loo baahan yahay”

Mar uu ka hadlayay arimaha ku xeeran heshiiska ayaa uu sheegay in loo baahanyahay inay ummadu nabad, sinaan iyoo cadaalad ku wada noolaato taasna aanay cidna marti uga ahayn, “Cidii fileysa in hoosta nala gelinayo, cidna marti u noqon meyno, si cad baan ku heshiineynaa oo wax aan wada leenahay ayaa dhiseynaa, ama si cad ayaa ku kala tageynaa, waxay u egtahay in si cad in lagu heshiin doono”

Arinta ictiraafka Somaliland isaga oo ka hadlaya ayaa uu Dr Cali Khaliif yiri, “Somaliland waxay u baahan tahay waa inoo muuqataa, aniga waxaa qabaa haddii aan heshiino oo wax wada yeelano, kalsooni bilaabato, ictiraafka loo gar-guurto waa ka koreynaa, wallee meesheenaa nalooga imaanayaa, haddii la isu wada yimaado wixii dhulkan ku noolaa ay midaobaan, waxaa qabaa ictiraaf, horumar iyo qadiran ayaynu ku hiran karnaa”

Hadalka Cali Khaliif uu ka dhawaajiyay ee ah ictiraafka Somaliland ayaa waxa uu muujinayaa sida ay isku bedeshay siyaasadiisii hore isaga oo horay usoo noqday raisalwasaarihii xukuumadii TNGda ee Soomaaliya mudana ssoo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee saaxada siyaasada ka muuqday sanadihii ugu dambeeyay.

Waxaan la ogeyn inay dadka deegaanada Khaatumo taageersanyihhiin mowqifka cusub ee Dr Cali Khhaliif ka qaatay arinta midnimada Soomaaliya.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh