Sawirro: Saami safaarad ku bedelasho, Itoobiya oo dhisme safaaradeed siisay maamulka Somaliland

Kadib markii dhowaan dowlada Itoobiya si bilaash ah lagu siiyay saami dhan 19% toban iyo sagaar boqolkiiba dakhliga kasoo xaroonayo dekeda Berbera ee maamulka Somaliland, ayaa ay Itoobiyana abaal gud uga dhigtay maamulka Somaliland inay siiso dhisme safaaradeed oo ku yaala xaafada Bole ee magaalada Addis abeba.

Inkasta oo aan maamulka Somaliland loo aqoonsanayn dowlad ka baxsan jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa hadana ay Itoobiya ayada oo danaheeda eeganayso kuna dadaalayso sidii ay Soomaaliya gobol gobol ugu kala goyn lahayd, waxa ay Somaliland siisay dhisme safaaradeedka cusub kaasoo uu ku shaqan doono safaarka maamulkaas ee dalka Itoobiya.

Raisalwasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan shir jaraa’id oo ay wada qabteen madaxweynaha Soomaakiya ka sheegay inay arimaha gudaha Soomaaliya uga dambeyn doonaan dowlada Soomaaliya aqoonsanyihiina midnimada dhuleed ee Soomaaliya balse hadalkaas ayaa hada u muuqda mid un afka baalkiisa ah oo aanay waxa ka jirin.

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh