Sawirro: Raisalwasaare Khayre oo booqday dekedda Muqdisho markii labaad bogaadiyayna shaqaalaheeda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre oo ay weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxa uuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho isagoo la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga bedelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda dekadda iyo meelaha ay ku baxaan,isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dawladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isagoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa ,waxaan idiin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno”ayuu yiri R.W Xasan Cali kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh