Sawirro: Raisalwasaare Khayre oo Qatar kula kulmay wasiirka arimaha dibada Norway

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norway Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysato dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

“Xiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib¬-u–dhiska dalka, kadib, burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre Kheyre ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Mr. Børge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh