Waqooyiga Kuuriya oo mar kale tijaabisay madfac bilistik ah xili ay xasaradi ka oogantahay gobolkaas

Waqooyiga Kuuriya ayaa ayada oo dhegaha ka fureysanayso hanjabaadyo kasoo yeerayo Mareykanka oo markab dagaal u diray gobolka, waxa ay tijaabisay madfac nooca bilistika ah.

Militariga Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay inay tijaabiyeen madfaca oo ay masaafadiisu gaarayso 700 km, todoba boqol oo kiiloo mitir maalmo un  kadib markii uu hogaamiye cusub la wareegay awooda dalka Koonfurta Kuuriya oo ay deris yihiin Waqooyiga Kuuriya.

Hogaamiyaha cusub ee Koonfurta Kuuriya ayaa balan qaaday inuu wadahadalo la galayo Waqooyiga oo ay xarad kala dhexayso marna ay hal dal wada ahaan jireen.

Madfaca ayaa laga ganay gobolka Kusong oo dhanka waqooyi galbeed ka xiga caasimada Waqooyiga Kuuriya ee Pyongyang. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan sheegay inay wax kastaba miiska u saaranyihiin oo ay tallaabo adag kaga qaadayaan Waqooyiga Kuuriya taasoo ayadana sheegtay inay duqayn doonto magaalooyinka Mareykanka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa mudaba ku taameysay sameysiga madaxyada hubka sida daran wax u gumaada eee nukliyeerka iyo weliba madaafiicda xambaarta madaxyadaas ayada oo tijaabooyyin badan sameysay.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh