Musaveni oo ku hanjabay inuu laba jibaarayo ciidamada ka jooga Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dalalka Caalamka ay usoo jeestaan dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa sheegay in Soomaaliya caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan ay tahay dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu ku hanjabay in dowladda Uganda ay ka go’an tahay in ay laba jibaarto Ciidamada ka joogga Soomaaliya si ay dagaal ula galaan Al-Shabaab.

Yoweri Museveni Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxda Soomaalida laga doonaayo in ay dhisaan ciidan Qaran oo hanankara Ammaanka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa xusay in ay ka mid tahay dalalkii ugu horreeyay ee gurmad Ciidan u soo diray Soomaaliya ,islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada Ciidan ee ay Soomaaliya siiyaan tan iyo inta ay ammaan noqonayso.

Yoweri Museveni ayaa ugu dambeyntii Sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto ,islamarkaana ay ka maaranto gacmo shisheeye.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh