Sawirro: Booqashada madaxweyne Farmaajo ee Addis ababa iyo war-murtiyeed durba soo baxay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo si weyn loogusoo dhoweeyay.

Waxaa soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay R/wasaaraha Wadanka Itoobiya Haile Mariam Desalegn.

Intaas kadib ayaa uu madaxweyne Farmaajo wadahadalo kula yeeshay magaalada Addis ababa raisalwasaare Desalegn oo ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo weliba sidii ay dhinacyo badan iskaga kaashan lahaayeen.

War-murtiyeed kasoo baxay kulanka labada masuul.

“Labada hogaamiye waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku wajahan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyagoo isku raacay in labada dhinacba ay raali ka yihiin xiriirkooda ayna sii adkeynayaan.”ayaa lagu yiri warmurtiyeedkan oo goor dhow soo baxay.

Qoddobada muhiimka ah ee warmurtiyeedkan ku qornaa ayaa waxaa kamid ahaa.

In labada dal  si xor ah dhaq dhaqaaq ganacsi uu dhex maro.

Dowlada Ethiopia oo soo dhoweysay qorshaha dowlada Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga iyo sii xoojinta dagaalada ururka Al-Shabaab.

labada dal oo isku aragti ka noqday sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidamada Soomaaliya loona diyaariyo in ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM.

In ciidamada Booliska la xoojiyo isla markaana la kordhiyo la dagalaanka burcad badeeda ka soo cusboonaatay xeebaha Soomaaliya.

Iskaashi laga yeesho sidii abaaraha loogaga hortagi lahaa.

In shirka London uu noqdo mid ay Soomalidu leedahay iyo qodobo kale.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh