Sawirro: Wasiirka ganacsiga DFS oo Turkiga kula kulantay masuuliyiin Turki ah

Wefdigan oo ay horkaceysay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federelka Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale oo maalmahaan Booqasho ku joogay Dalka Turkiga isla markaane Ka Qayb galayay Shirka Beeraha ee Wasiirada Africa ee Magaalada Antalya ayaa waxey Booqdeen Xarunta Bandhig Carweedka Antalya ee Dalka Turkiga.

Wafdigan ayaa si gaar ah waxey u kormeereen goobta Ganacsiga Soomaaliya ee ku leedahay Bandhig Carweedka Antalya, waxaane halkaasi Warbaahinta Qaranka kula hadlay Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Yuusuf Axmed Xasan

“Waxaan aad ugu Faraxsanhay in Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federelka Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ay soo booqatay Xarunta Soomaaliya ay ku leedahay Bandhiga Carweedka Antalya, sidoo kale waxaa Sharaf weyn ii ah inaan ku soo dhaweeyo Xarunta.” ayuu yiri Yuusuf Axmed Xasan.

Sidoo Kale Madaxa Xafiiska Ganacsiga Safaardda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaa Suurta galiyay in Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee DFS Khadra Axmed Ducaale kulamo gaar gaar ah la qaadatay Wasiirka Beeraha Cuntada iyo xoolaha ee Dalka Turkiga, iyadoo kala hadashay Sidii ay gacan uga geeysan lahaayeen horumarinta Beeraha Soomaaliya iyo Xoolaha.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga ayaa Kulamo la yeelatay qaar ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga ee Dalka Turkiga, kuwaa oo doonayo inay Maalgashi ku Samaytaan gudaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh