Sawirro+Muuqaal: Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay magaalada Baydhaba iyo guud ahaan gobolka Bay

Labadii cisho ee ugu dambeysay ayaa waxaa ka da’ayay magaalada Baydhaba iyo guud ahaanba gobolka Bay roobab mahiigaan ah oo si weyn loogu diirsaday islamarkaasna biyo dhigay dhul badan.

Roobabkaan ayaa waxa ay uga da’ayeen magaalada Baydhaba iyo guud ahaanba gobolka Bay si kala go’ahayn labadii cisho ee ugu dambeysay ayada oo toga dhex mara magaalada uu si weyn ula burqanayo biyo kaasoo mararka qaar la moodo inuu yahay webi.

Biyaha toga Baydhaba dhex mara ayaa waxa ay ku faafaan dooxada Sheekh Casharow oo ku taalo duleedka magaalada Baydhaba halkaasoo ay ku yaaliin boqolaal beeraha qudaarta ah si weyna uga qayb qaato wax soo saarka dhanka qudaarta gobolka Bay.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh