Sawirro: Ciidamo cusub oo Danab ka tirsan oo tababar loosoo xiray maanta

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayey cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Danab waxaa ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyey taliyaha ciidamada Xooga Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo xubno kale.

Ciidamadan oo uu tababar uga socday mudo  dugsiga tababarka ciidanka ee General Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho ayaa goobta kusoo bandhigay gaada kacayaar iyo xirfado kale oo muujinayey sida ay ugu diyaar garoobeen difaaca dalka.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo halkaasi kula hadlay ciidanka, ayaa sheegay in ciidankan oo kamid ah Danab ay u diyaarsan yihiin sidii cadowga ay uga difaaci lahaayeen dalka, isagoo ciidankana kula dar daarmay in si daacad ah ugu adeegaan dalka.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh