Madaxweynaha Hirshabeele, gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiil Jabuutiyaan ah oo gaaray degmada Buulo barde

Madaxweynaha dowlad goboleedkka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM qaybta Jabuuti gaar ahaan taliyaha ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa maanta gaaray degmada Buulo barde ee gobolka Hiiraan halkaasoo shalay dil loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee AMISOM qaybta ka ah.

Ka hor intii uusan wafdiga madaxweyne Cosoble gaarin magaalada Buulo barde ayaa waxaa halkaas kusii hor maray gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Cismaan Jeyte, saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.

Ujeedada wafdiyadaan kala duwan ayaa lagu sheegay inay tahay in la xaliyo qilaafka ka dhacay magaalada gaar ahaan dilka lagula kacay askariga Jabuutiyaanka ah oo uu dilay askari la sheegay inuu ka tirsanyahay ciidamadda dowlada Soomaaliya

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh