Diyaaradihii Qaadka keeni jiray Muqdisho oo u wareegay magaalada Jowhar iyo Muqdisho oo gawaari lagu gaynayo Qaadka maanta

Kadib markii ay isku dhaceen ganacsatada Jaadka iyo wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa dhacday inay ganacsatadu qaadato go’aan dhaawac u keenayo dhaqaalihii usoo xaroon jiray dowlada federaalka Soomaaliya.

Ganacsatada oo ka cabanayso canshuuraad dheeri ah oo ay wasaarada maaliyadu kusoo rogtay Qaadka ayaa waxa ay maanta kasoo dejiyeen diyaaradihii Qaadka keeni jiray magaalada Muqdisho xarunta maamul goboleedka Hirshabeele ee Jowhar.

Dhowr diyaaradood oo Qaadka keeni jiray Muqdisho ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaana baabuur badan lagu geeyay Qaadka magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa waxa ay faa’ido xaga dhaqaalaha ah ugu jirtaa maamulka Hirshabeele oo uu dakhli kasoo gali doono canshuuraadka Jaadka laga qaado balse waxaan la ogeyn sida ay u shaqayn doonto arintaan.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh