Sawirro: Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya oo xilkii ku wareejiyay kusimaha safiirka

Dajnirihii hore ee safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha  Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi, kaddib munaasabad lagu qabtay xarrunta safaaradda.

 Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xasan Abshir Faarax, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, diblomumaasiyiin iyo shaqaalaha Safaaradda.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa galka safaaradda ku wareejiyay Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo ah ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda, waxaana warbaahinta si wadajir ah ula hadlay safiirkii hore ahna Wasiirka Qosheynta, Maalgashiga iyo Horrumarinta dhaqaalaha   Mudane Jamaal iyo C/raxmaan Kampala oo ah safiir ku xigeenka ahna qunsulka koowaad ee magacaaban.

ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Jamaal, isagoo ku ammaanay wax qabad mudadii uu xilka safariinimo hayay.

Ugu dambeyn ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi  ayaa shahaado sharaf goobta ku guddoonsiiyay safiirkii hore ee safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, taas oo ku saabsaneyd wax qabadka dajirihii hore ee Wadanka Kenya.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh