Sawirro: Madaxweynaha DFS oo xalay la kulmay wafdiga Ahlusuna ee ku sugan Muqdisho

Kulan xalay dhex maray madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamedd Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Ahlusuna Waljameeca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa wadahadalka uga socda magaalada Muqdisho maamulka Galmudug iyo ururka Ahlusuna Waljameeca.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirada arimaha gudaha, dibada, wasiirudowlaha madaxtooyada, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

30ka bishaan April ayaa lagu wadaa inay magaalada Cadaado ka dhacdo doorashada madaxweynanimo ee Galmudug balse inta ka horeyso ayaa la filayaa in lasoo afjaro wadahadalka u dhexeeyo maamulada Galmudug iyo Ahlusuna si uu ururka Ahlusuna Waljameeca qayb uga noqdo maamulka Galmudug meeshana looga saaro qilaafka labada dhinac.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh