Dowlada Soomaaliya oo dhiiri galinaysa barnaamishka TEDxMogadishu

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maalinta Khamiista 20ka April 2017 lagu qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda ay bulshada ku gaarsiinayaan horumarka dalka ka jira oo ay marwalba ku soo bandhigaan sawiro, barnaamijyo, farshaxan, sawir gacmeed iyo sida ay marwalba uga shaqeeyaan isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa Bandhiga TEDxMogadishu ee sanadkan oo ay mowduuc uga dhigeen Iskaa Wax U Qabso si bulshada loogu dhiirigeliyo inay dalkooda dhistaan.”

Caasimadda Muqdisho ayaa ah mid bilicdeeda ay dib u soo noqotay oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay wax u qabsan karaan, oo dhalinyarada, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu ay maalin walba door ka qaataan quruxda iyo bilicda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaalidu waa dad ku fiican ganacsiga, is-dhexgalka, is-kaalmeynta iyo ganacsi-wadaaga oo keentay in shacabku ay dalkooda dib u dhistaan. Waxaana farxad ah in TEDxMogadishu ay sanadkan 2017 mowduuca ay xusheen uu noqday Iskaa Wax U Qabso oo Soomaalida taariikh weyn ku leh, ahaana mashruucii dalka lagu soo dhisay oo ay bulshadu si hagar la’aan ah uga wada qeybqaateen. Maantana waxaa la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa barnaamijkaas Iskaa Wax U Qabso.”

Barnaamishka TEDxMogadishu ayaa si toos ah looga daawan doonaa maalinta Khamiista ah dhowr telefeshin oo ay Soomaalidu leedahay.

 

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh