Sawirro: Raisalwasaaraha XFSoo booqasho ku tagay xarumo wasaaradeed

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ee Soomaaliya Md: Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha oo ay si wadajir ah u dagan yihiin Wasaaradaha Haweennka, Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda.

Md: Khayre ayaa kormeerkiisu wuxuu la xiriiray u kuurgalidda hawlmaalmeedka shaqo ee wasaaradahaas iyo hubinta xaaladdaha Shaqo iyo Shaqaale, isagoo warbixinno ka dhagaystay Masuuliyiinta wasaaradahaas.

Ra’iisalwasaaraha X.F.S oo la hadlay Shaqaalaha Wasaaradahaas ayaa ballan qaaday in ay mushaaraadkooda ay si joogta ah u heli doonaan, taas badalkeedana looga baahan yahay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan.

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maalmihii la soo dhaafay kormeeray xarumaha wasaaradaha, isagoo kormeerkiisa maanta kii ka horeeyay ku Tagay Xarunta wasaaradda Arimaha Dibadda oo ay wada dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Qorshaynta Qaranka iyo arimaha dibadda.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh