Sawirro: Xisbiga madaxweyne Erdogan oo ku guuleystay Aftidii ka dhacday Turkiga

Xisbiga AKP ee ka arimiya dalka Turkiga oo taageero ka helaya xisbiga mucaaradka ah ee MHP ayaa ku guuleystay Afti laga qaaday shacabka Turkiga.

Aftida ayaa waxa ay awood fara badan siineysaa madaxweynaha dalka ayada oo wax ka bedelayso hanaanka loo xukumo Turkiga oo hada ah mid baarlamaani ah kana dhigeyso mid madaxweyne.

Xisbiga madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa helay 51.3 halka kooxaha diidana ay heleen 48.7.

Madaxweyne Erdogan iyo raisalwasaarihiisa Binali Yildirim ayaa u mahadceliyay shacabka Turkiga codka “Haa” ee ay siiyeen.

 

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh