Madaxweynaha xiriirka Kubbada Cagta Afrika Oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa soo gaaray magaaladda Muqdisho 57-sanno jirka dhawaan loo doortay inuu hoggaamiyo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo CAF Mr Ahmed Ahmed.

Garoonka dayaaradaha dalka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid tahay wasiirka Wasaarrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab.

Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika, ayaa lagu waddaa inuu soo kormeero goobbo muhiim u ah cayaaraha sida Garoomada Cayaaraha ee ku yaalla dalka.

Tani waxa ay noqoneysaa booqasho taariikhi ah, waxanna ay u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo.

Mr:- Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar, ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh