Sawirro: Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo tababary usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandoosta

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya mudane Cabdi Rashid C/laahi Maxamed ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandoosta xooga dalka oo lagu tababarey xero ciidan oo ay maamusho dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku taala magaalada Muqdisho.

Munaasabada tababarka loogu soo xireyay ciidamada ayaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) iyo mas’uuliyiin kale.
Ciidamada Kumaandooska ee tababarka loo soo xirayay ayaa munaasabada kusoo bandhigay dhoolo tusyo cajiib ah oo ay la dhaceen mas’uuliyiinta kala duwaneyd ee halkaasi ku sugneed, waxayna ciidamada muujiyeen awooda ay leeyihiin.

Qaar kamid ah ciidamadii tababarka loo soo xiray oo kaalmaha hore ka galay tababarka ayaa la guddoonsiiyay abaal marino, waxaana ciidankanka ay ahaayeen kuwa u badan dhalinyaro aan qaarkood laheyn wax balwad ah muuqaal ahaana jirkoodu uu dhisnaa.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi rashid C/laahi Maxamed oo munaasabada ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dowlada Imaaraatka Carabta tababarka ay siiyeen ciidankan ka tirsan Kumanadooska Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wasiirku in ay ciidankan yihiin kuwa u diyaarsan in dalka ka xoreeyaan cadowga , waxa uuna ku booriyay ciidankan cusub in ay noqdaan wadaniyiin u istaaga difaaca dalkooda ,diintooda iyo dadkooda.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, ayagoo sidoo kale dalka ka fuliya mashaariic horumarineed.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh