Maamulka Koonfur galbeed oo hawada soo geliyay TV u gaar ah

Waxaa maanta si rasmi ah hawada usoo galay TV u gaar ah dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayada oo munaasabad ka dhacday magaalada Baydhaba lagusoo bandhigay TVga cusub ee KG Channel ama Southwest state television.

TVga ayaa waxa uu ku bixi doonaa luuqada Maayga ayada oo inta badana lagasii dayn doono wararka arimaha bulshada, siyaasada iyo weliba arimaha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, wasiirka warfaafinta Koonfur galbeed ugaas Xasan,  Lataliyaha gaarka ah ee Warfaafinta ee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Eng. Cabdulqaadir Maxamed Cali, Ibraahim Maxamed Xuseen “Jeekey” , Agaasimaha guud ee Telefishanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Ilyaas Cali Nuur iyo Eng. Maxamed Abaadir Abuukar (Carab) ayaa waxa ay ka qaateen qayb libaax leh hirgelinta TVga cusub oo hawada ku jiri doonaa 24 saac maalin kastaba.

Maamul goboleedyada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u lahaa TVyo u gaar ah halka dowlada federaalka Soomaaliyana ay leedahay TV waxaana hada kusoo biirtay Koonfur galbeed oo horay u lahayd idaacad u gaar ah.

Xarunta idaacada ayaa noqonaysa magaalada Baydhaba ayada oo uu gobolada dalkana ku yeelan doono wariyayaal ugasoo warama sidoo kalena caalamka intiisa kale ay wariyayaal ugasoo warami doonaan.

TVgan ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ku hadla luuqada Maayga marka laga reebo muda kooban oo uu warku ku baxo luuqada Maayga TVga qaranka.

 

Baidoa Media Centre

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh