CODSI GAAR AH OO KU SOCDA URURKA HAWEENKA GOBOLKA BAY GAAR AHAAN MAGAALADA BAYDHABO

Walaalayaal sida aad ka war qabtaan naadiga NBB wuxuu laga soo bilaabo 08/01/2017 Gurmad Biyo dhaamin ah ka wadaa magaalada Baydhabo, kaamamka barakacayaasha iyo tuulooyinka u dhow magaalada.

Intii aan ku guda jirnay biyo dhaaminta waxaan aragnay in dadkeena saboolka ah ee abaartu saameysay u baahan yihiin waxyaabo farabadan sida cunto, dhar, maacuun, gogol ay ku seexdaan, bacyaasha laga sameysto cooshashka, daawooyin iwm.

Sidaa darteed waxaa anigoo ku hadlaya magaca naadiga NBB iyo codka maatida saboolka ah si Islaanimo, Soomaalinino iyo walaaltinimo uga codsanayaa in Ururka Haweenka Baydhabo ay naga caawiyaan sidii ay magaalada uga soo aruurin lahaayeen waxyaabahaas aan kor ku soo xusay ee ay u baahan yihiin dadkeena. Ka dibna ku wareejiyaan Guddiga Gurmadka Naadiga NBB iyagoo la xiriiriya walaalaheen Abdalla Shariif Eelaay iyo Bashir Xabashow.

Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaan alaabtaas gaarsiino dadka u baahan ee ku nool kaamamka iyo tuulooyinka.

Laf jabtay gun bey dhaxtaal.

Walaalkiin

Dr Aweys Abdi Omar
Aasaasaha ahna Madaxa Naadiga NBB
Perth, Australia.
ciyaalbaydhabo@gmail.com

3 Comments

  1. Mohamed Nadiir Sheekh
    • Mohamed maye diidey
  2. Faduma Ali Nur

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh