Tacsi tiiraanyo leh oo loo dirayo reer Maxamed Aadan Xabashow oo uu aabahood Maxamed Aadan Xabashow ku geeriyooday

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaa anagoo ka tiiraayeysan halkan Tacsi uga direynaa Walaalkeen Bashir Mohamed Adan (Xabashow) iyo dhamaan qoyska reer Adan iyo Reer Cabdi Hadamo geeridii naxdinta lahayd ee saaka ku timid Marxuum Mohamed Adan ( Xabashow) oo ah Bashir aabihiis oo waayahanba xannuunsanaa.

Marxuum Maxamed Aadan Xabashow

Geeridu waa xaq naf waliba way dhadhamineysaa laakiin waxaan markhaati Allah hortii uga nahay in Marxuum Xabashow ifka uga tagay Walad Saalix ah oo Allah dartii Samafale u ah (Bashir).

Aabe Xabashow Allaha cafiyo annaga horteena, kutubkiisa midigta Allaha ka siiyo. Gadaashiisana Illaahey nama fidneeyo.

Waxaa sidoo kale tacsi diraya dhamaan Ciyaal Baydhabo meel walba ay adduunka ka joogaan oo si toos ah ayay tacsiyooyinka iisoo gaarayaan.

Dr Aweys Abdi Omar

Aas aasaha ahna gudoomiyaha Naadiga Beyzaaniyiinta Baydhaba NBB.

Waxaa sidoo kale tacsi taas la mid ah dirayo bahda shabakada warbaahinta Baidoa Media Centre ayaga oo Eebe SWT uga baryaya inuu marxuumka janadiisa Fardowsa ka waraabiyo qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Baidoa Media Centre

2 Comments

  1. osman hashi

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh