Sawirro: Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka dib ugusoo noqday

Qunsuliyadda Soomaalida ee Dalka Yamen oo kaashaneysa Hay’adda Qaxootiga Aduunka ayaa Waxay markale  u fududeeyeen 137 qoys oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ah ee Yaman ku sugnaa in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya Yaman ee Magaalada Caddan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in qoysas gaaraya 137 qoys shalay lagu soo qaaday dooni asago oo xusay in laga soo dajin doono Magaalada Berbera.

Qunsulka ayaa xusay in dadkaas markii ay Berbera soo gaaraan loo Fududeyn doono sidii ay ku kala gaari lahaayeen Gobolada ay kasoo kala Jeedaan.

Qaxootigaan laga soo daabulayo dalka Yamen ayaa waxaa lagala soo Cararay dagaalada iyo qatarta badan ee Ka jirto gudaha wadanka ay qaxootiga ku ahaayeen ee Yamen.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh