Muuqaal: Kusimaha madaxweynaha KFGS oo sheegay inay farahooda ka baxday waxyeelada cudurka Shuban biyoodka

Kusimaha madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ahna wasiirka beeraha iyo waraabka maamulkaas Maxamed Xasan Fiqi ayaa waxa uu maanta ku qabtay magaalada Baydhaba shir jaraa’id oo uu kaga hadlayay waxyeelada cudurka Shuban biyoodka oo dad fara badan ku laayay gobolada Koonfur galbeed gaar ahaan, deegaanada hoos yimaada degmada Baydhaba, degmada Qansaxdheere, degmada Buurhakaba, degmada Berdaaale iyo degmooyinka gobolka Bakool iyo weliba deegaanada hoos yimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada hoose.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay inay dadku u dhimanayaan cudurkan xili bishii sadexaad ee Maarso oo ah bisha ugu kuleylka badan bilaha sanadka gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu cudurkani ahayn Shuban biyoodkii horay loo arki jiray ayada oo ay dadku si xowli ah ugu dhimanayaan uuna usooo ridanayo cudurku.

Dhanka kale wasiirka waxa uu ugu baaqay jaaliyadaha Koonfur galbeed inay soo gar gaaraan dadkaan dhiban isaga oo ka codsaday dowlada federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamkana inay soo caawinaan dadkaan.

Maxamed Cabdicasiis Salaad (Moha)

Baidoa

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh