Sawirro: Madaxweyne Shariif Xasan oo xariga ka jaray dhismo ay ku shaqayn doonto wasaarada dib u dejinta iyo jaaliyadaha Koonfur galbeed

Munaasabad uu madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed xariga kaga jarayay dhismaha ay ku shaqayn doonto wasaarada dib u dejinta qaxootiga iyo arimaha jaaliyadaha ayaa ka dhacday magaalad Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Dhismaha cusub ayaa waxaa dhistay hay’ada UNHCR taasoo ugu talagashay wasaarada dib u dejinta iyo arimaha jaaliyadaha Koonfur galbeed.

Wakiilo ka socday UNHCR oo goob joog ka ahaa munaasabada xariga lagaga jarayay dhismaha wasaarada dib u dejinta iyo arimaha jaaliyadaha Koonfur galbeed ayaa waxa ay ku wareejiyeen furayaasha qolalka dhismaha wasaarada Liibaan Sheekh Shuceyb oo ah agaasimaha guud ee wasaaradaas maadaama ay safar ku maqnayd.

Madaxweyne Shariif Xasan oo khudbad gaaban ka jeediyay munaasabada ayaa uga mahadceliyay hay’ada UNHCR iyo dhamaan hay’adihii ka qayb qaatay dhismaha xarunta wasaarada dib u dejinta qaxootiga iyo arimaha jaaliyadaha.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh