Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah ka helay amiirka Qatar lana kulmay masuuliyiin kala duwan

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka helay dhambaal hambalyo ah amiirka dalka Qatar isaga oo sidoo kale masuuliyiin kala duwan la kulmay.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa facebooka ayuu madaxweynuhu ku yiri,

”Waxaan la kulmay Hay’adaha gargaarka ee Qaramada midoobay oo uu hogaaminayay K/Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu duwaha arrimaha gargaarka ee Soomaaliya Peter de Clerq, waxaana ka wada hadalnay sidii deg deg loogu caawin dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale, waxaan kulan la qaatay Mudane Alexander Rondos iyo Danjire Veronique Lorenzo oo hormuud u ahaa wafdi ka socday Midowga Yurub, waxaana ka wada hadalnay sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaan dhambaal hambaalyo ka guddoomay Mudane Xasan Bin Xamza oo madax ka ah safaaradda Qadar ee Soomaaliya, hambalyadaas oo ay soo direen Amiirka Qadar Mudane Tamim Bin Hamad Al Thani, Ku Xigeenkiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas”.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh