Sawirro: Safiirka cusub ee dalka Ingiriiska u fadhinaya Soomaaliya oo shirar sharci daro ah bilaabay isaga oo aan weli warqadihii aqoonsiga laga gudoomin

Safiirka cusub ee ay dowlada UK usoo magacaabatay inuu u fadhiyo dalka Soomaaliya David William Concar ayaa waxa uu ka tallaabay xeerarka diblomaasiyadeed kadib markii uu bilaabay inuu la shiro madaxda maamul goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka xili aanan weli laga gudoomin warqadihiisii aqoonsiga safiirnimo.

Danjire Concar oo dhowaan lagusoo bedelay safiiradii hore ee Ingiriiska u fadhin jirtay Soomaaliya Hariet Mathews ayaa waxa uu bilaabay inuu safaarada Ingiriiska ee gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ku qaabilo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Arintaan ayaa ah sharci daro ah maadaama uusan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weli qaabilin safiirka kana gudoomin waraaqihiisa aqoonsi.

Dowlada Soomaaliya ayaanan weli ka hadal howlaha sharci darada ah ee uu diblomaasiga Ingiriiska ka wado gudaha dalka.

 

Baidoa Media Centre

Add a Comment